Sunday, June 21, 2026
25.3 C
Mogadishu

DHAGEYSO: ‘‘Ra’iisul wasaare kasta oo yimaada ma aqbaleyno muddo kororsi” waxa sidaa yiri…

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in maranaba aysan ogolaan doonin in muddo kororsi ay sameeyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cosoble ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad aad u dhib badan isla markaana ay joogto in Xukuumaddii dalka ka jirtay si is-xilqaan ah xilka looga qaaday, hayeeshee si kastoy ahaataba la sugayo soo dhisida Xukuumad Cusub.

Waxaa uu hadalkisa intaasi ku daray Xildhibaan Cosoble in Hay’adaah kala duwan ee dowladda,sida Golaha Shacabka & Aqalka sare iyo sidoo kale muddo xileedka Madaxweyne farmaajo uu yahay mid geb-gabo ah,balse aysan u muuqan in la qabanayo doorasho.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali ayaa sheegay, in Soomaaliya ay soo martay Shan Madaxweyne oo ku soo shaqeeyay duruufaha hadda la maraayo mid ka adag, kuwaasna ay qabteen doorasho waqtigeeda ku dhacdo, isla markaana Madaxweyne Farmaajo aysan ka ogolaaneyn muddo kororsi.

Uug dambeyn, duruufahdaa hadda la maraayo kama dhib badna kuwii la soo maray, qof walba oo xil qabta wuu jeclaa in uu iska sii joogo, laakin waa laga diiday, waxaad ogtihiin in hadda la raadinaayo xilka Ra’iisul Wasaarenimo,waxaana idin sheegayaa xataa hadii uu Cosoble xilkaasi qabto in aan la ogolaan doonin muddo kororsi.

Halka hoose ka dhageyso Codka Xildhibaan Cosoble:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...