Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Cabdinuur Cabdi Caruush ayaa hay’adaha samafalka ugu baaqay in ay dar-dargeliyaan howlahooda ku aaddan taakuleynta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle.
Caruush oo ka hadlayay kulan ay Muqdiho ku yeesheen Guddiga samata bixinta Dadka uu saameeyay fatahaadda Webiga Shabeelle ee Koofur Galbeed ayaa intaa ku daray in uu si wanaagsan u socdo gurmadka, iyagoo la kaashanaya Dowladda dhexe iyo hay’adaha samafalka.
Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Degmooyinka Afgooye, degaanno ka tirsan Marka, Wanlaweyn iyo Awdheegle ay si weyn u sameeyeen fatahaadda Webiga.
Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo Dadka barakacay la garab taagan taakuleyn iyo wacyi gelin ku saabsan xanuunka Coronavirus.
In ka badan 40 oo Qof ayuu sheegay Wasiirku in ay saameysay fatahaaddu, halka 15,000 ay ku barakacday, isagoona intaa ku daray in Dadkaasi qaar ka mid ah loo qaybiyay Lacag, qaarna ay Raashiin iyo Agabka kale,
Wasiirka gar-gaarka iyo maareynta musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Cabdinuur Cabdi Caruush ayaa ku cel-celiyay ka mahadcelinta doorka Bini’aadannimo ee ay hay’adaha samafalka, Dowladda dhexe iyo maamulka KG ka geysteen taakuleynta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





