Monday, May 11, 2026
28.1 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay & Faah-faahin ku saabsan khasaarihii ka dhashay Qaraxii Ismiidaaminta

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qof waxyaabaha Qarxa isku soo xiray ayaa isku dayay inuu gudaha u galo maqaayada Luul Yemeni oo ah goob laga cunteeyo oo ku taallo agagaarka Dekadda Muqdisho, balse illaalada maqaayada ayaa celiyay shaqsigii qaraxa ku xirnaa.

Markii ay celiyeen illaalada maqaayada ruuxa qaraxa ku xirnaa ayaa mar kaliya wuxuu ku qarxay ilinka hore ee maqaayada, waxaana halkaasi ku dhintay laba ka mid waardiyeyaasha maqaayada iyo ruuxii waxyaabaha Qarxa isku soo xiray.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Cali (Duudishe) ayaa sheegay in Ruuxa is qarxiyay uu doonayay in uu gudaha u galo Maqaayada, balse ay u diideen ilaalada, isla markaana uu banaanka maqaayada ku qarxay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen Saddex Ruux oo kala ah laba kamid ah Ilaalada Maqaayada iyo qofka is qarxiyay, halka ay ku dhaawacmeen laba Ruux oo Shacab ah oo goobta ka agdhawaa.

Si kasaba, Koontaroolada dhex yaalla magaalada Muqdisho oo si aad ah loo adkeeyay, ayaa sabab u noqday in ammaanka Muqdisho uu noqdo mid hagaagsan oo aysan ka dhicin falal lidi ku ah ammaanka, waxaana shacabka ay ka nasteen Qaraxyadii Baabuurta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...