Sunday, May 10, 2026
31.9 C
Mogadishu

AKHRISO: Xisbiga Wadajir oo soo dhaweeyay War-murtiyeedka Shirkii Dhuusamareeb

Muqdisho (Halqaran.com) – Xisbiga Wadajir  ayaa soo dhaweeyay natiijada wejiga labaad ee shirkii Madaxda  Dawlada Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada, kaas oo xalay lagu soo gebagabeeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa loogu baaqay dhinacyada shirka ka qeyb-galay in loo istaago ka mira dhalinta wejiga sedexaad ee shirka Dhuusmareeb ee dhacay 15-ka Bisha Agoosto.

Sidoo kale qoraalka Xisbiga Wadajir kasoo baxay ayaa loogu baaqay Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada inay dedejiyaan Guddiga farsamo ee kasoo talo bixinaya nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya.

Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur  ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Xubnaha Beesha Caalamka inay taageeraan hehsiiska Soomaalida, si loo xaqiijiyo doorasho xilligeeda si nabad ah u dhacda.

Haddaba Qeybta Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Xisbiga Wadajir;

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...