Muqdisho (Halqaran.com) – Waasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya ayaa 16-kii bishan soo saartay amar ay ku sheegayso in shahaadada safarka ee la xiriirta baarista COVID-19 ee dadka dhoofaya ay ka qaadan karaan oo keliya shaybaarka Qaranka ee ku yaalla magaalada Muqdisho.
Qoraalka ayaa ayaa intaas ku daray in wixii intaas kasoo hara wasaaradda caafimaadka ay u aqoonsan tahay waxba kama jiraan.
Dhinaca kalena, warar madax bannaan oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in warqaddaas kasoo baxday wasaaradda caafimaadka ay ka dambaysay kadib markii nin wata shahaado ay ku qoran tahay in laga helay cudurka COVID-19 uu 15-kii bishan ka degay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Ninkaas ayaa kadib markii lagu baaray Dubai laga waayey cudurka, kadibna la sii daayey.
Dawladda Soomaaliya ayaa weli baaraysa sida ninkaasi ku helay shahaado ah inuu qabo cudurka COVID-19 iyo halka laga bixiyey.
War ay baahisay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa lagu sheegay, in diyaaraddii uu raacay ninkaas laga helay Covid-19 oo ahayd Daallo Airines laba toddobaad laga mamnuucay dalka Imaaraadka Carabta.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





