Tuesday, June 2, 2026
28 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland ‘Axmed Madoobe’ oo eedeyn kulul u jeediyay DF Somaliya +SABAB

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ku eedeeyay dowladda Federalka Soomaaliya inay faragelin toos ah ku hayso arrimaha doorashada Maamulka Jubbaland.

Mar uu ka hadlaayay Magaalada Kismaayo Axmed Madoobe ayuu ku baaqay in la joojiyo faragelin uu sheegay inay ka imaanayso dowladda Soomaaliya, taasi oo aan dan u aheyn shacabka reer Jubbaland.

Dowlada Federaalka ah ayuu sheegay in ay faragalinta iyo xaaalad abuurka ay wado uuna dan u ahayn shacabka taas oo mar walba xaalada uga sii daraysa isla markana bur bur ku keenaysa dadaaladii mudada dheer soo socday.

Doorashada Jubbaland ayaa waxaa ka dhiman dhawr maalmood kaliya, waxaana socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee la xiriirta doorashadaasi.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inaysan aqbaleyn natiijo kasta oo ka soo baxda hanaanka xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, iyadoo aanan la marin sharciga sida ay sheegtay Wasaaradda.

Lama oga sida Doorasho madax banaan ay uga dhici doonto deegaaanada Maamulka Jubbaland, iyadoo Wasaaradda Arrimaha gudaha ay sheegayso in muhiim ay tahay sharciga in la waafajiyo doorashadaasi.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...