Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Baarlamaanka Puntland oo go’aan adag ka qaatay matalaada gobolka Banaadir

Garoowe (Halqaran.com) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo ka carooday Go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ay ugu ansixiyeen Gobolka Banaadir in uu 13 Xubnood ku yeesho Aqalka ayaa sheegay inay ka codsanayaan Xukuumadda Madaxweyne Deni in ay ka ku dhawaaqdo madax-baani.

Qaar kamid ah Xildhibaannada oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen in Magaalada Muqdisho ay markii hore u aqoon sanaayeen goob dadka lagu dilo laguna dhaco, hayeeshee haatan ay noqotay mid Sharciga lagu dhaco.

Sidoo kale, waxaa ay sheegeen in Xeerarka doorashada oo ay qaarkood ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka aysan aqoonsaneyn, waxaana ay sheegeen inay Puntland tashan doonaan go’aanana soo saari doonaan.

Xildhibaannadan ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay tahay Magaalo Soomaaliyeed, balse ay u muuqato mid dad gaar ah xigsanayaan, waxaana ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka, maamullada Galmudug, Hir-Shabeelle iyo K/Galbeed inay faquuqayaan maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...