Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Xasan Sheekh oo ka digay muddo kororsi ”lama aqbali karo hadalkii Xaliimo Yareey”

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Madasha Xisbiyada Qaran, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in go’aankii shalay ka soo baxay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) uu ahaa mid aan la filanayn.

“Waxaa la jooga waqtigii ay dhici lahayd doorashada qaran ee xilli-xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee heer federaal. Shalay oo taariikhdu ahayd bisha Juun 27, 2020 waxaa golaha shacabka hadal jeedin ka sammeeyay guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim, Hadaljeedinta guddiga oo muddo laga war dhowrayay waxay noqotay mid aad looga fajacay oo dadka Soomaaliyeed ka yiraahdeen “Tani Taan u dhigannayba ma aha”, li’anna lagama sugeynin muddo kordhin iyo abuurid mugdi siyaasadeed oo hor leh”, ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu ku tilmaamay hadal jeedinta guddiga mid laga fajacay oo ah muddo kordhin iyo abuuris mugdi siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Halka hoose ka dhageyso Shirka jaraa’id Xasan Sheekh oo dhammeystiran:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...