Thursday, July 16, 2026
25.2 C
Mogadishu

Nin mindi ku dilay Walaalkiis magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Fal argagax leh ayaa subixii Khamiista maanta ah waxa uu ka dhacday Degmada Dayniile ee Gobolkaan Banaadir, kadib markii wiil dhalinyaro ah uu toorey ku dilay walaalkiis.

Falkan naxdinta leh ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Siisii oo ka tirsan degmada Dayniile ee Gobolkaan Baanadir, waxaana Ninka oo lagu Magacaabo Xasan Nuur Ciroobe uu dilay Walaalkiis ka yar oo lagu Magacaabi jiray Cabdinaasir Nuur Ciroobe.

Gurigooda hortooda ayeey isku qabsadeen waxaana Xasan Nuur Ciroobe uu sameeyay inuu la soo baxay toorey, kadibna uu la dhacay Allaha u naxariistee Marxuum Cabdi Naasir Nuur Ciroobe.

illaa 10 mar ayaa la sheegay inuu jirkiisa galiyay tooreyda kadibna halkaasi uu isaga cararay sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana goobta ku geeriyooday marxuumka.

Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Dayniile oo meesha tagay ayaa waayay gacan ku dhiiglaha oo baxsaday, waxaana socota baadigoobka Marxuumka loogu jiro.

Ugu dambeyn, illaa iyo hadda lama oga sababta ay isku qabteen ee kaliftay inuu toorey la dhaco walaalkiis oo ugu dambeyn dhintay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...