Muqdisho (Halqaran.com) – Mareykanka ayaa muujiyay in Ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya wali tayadooda ay liidato oo aysan si adag ula dagaalami karin dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.
Warbixin ka soo baxday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay awooda Ciidanka Soomaaliya inay ku tiirsan tahay taageerada caalamka uu siiyo.
“Dalku wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay taageerada ay siiyaan dalalka shisheeye gaar ahaan dadaallada ay geliyaan arrimaha amniga.” Ayaa lagu yiri warbixin ku saabsan howlaha argagixisada sannadka 2019-ka ee uu Mareykanku soo saaray.
Mareykanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhaqaale xoog leh ka helasn dhoofinta dhuxusha Soomaaliya iyo Canshuur ay ka qaadaan shacabka ay handadaan.
Inkastoo warbixintaan Mareykanka uu soo saaray ay muujinayso Ciidamada dowladda inaysan awood badan u laheyn dagaalka Al-Shabaab, ayaa haddana waxaa xusid mudan in Ciidamada waayahan dambe guulo ay ka gaareen dagaalka Kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba ha’ahaatee, awooda Al-Shabaab ayaa isugu tagtay Gobolka Jubbada Dhexe, inkastoo ay jiraan deegaanno iyo Degmooyin badan oo ka tirsan Gobollada dalka oo wali Al-Shabaab ay ka dagaalamaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





