Sunday, June 7, 2026
27.3 C
Mogadishu

AKHRISO: Puntland oo ka digtay in shuruucda dalka loo adeegsado dano gaar ah

Garowe (Halqaran.com) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxay ka digtay in shuruucda dalka loo adeegsado dano gaar ah, iyadoo loo maraayo habraacyo aan waafaqsanayn dastuurka ku-meel-gaarka ah ee dalka.

War-saxaafadeed ay goor dhow soo saartay Puntland ayay ku sheegtay inay ka walaacsan tahay inaanan la tix-gelin is afgaradkii 22-kii bishan ka soo baxay kulankii foggaan araga, ee ay yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, kuna aadanaa in la joojiyo doodda Golaha Shacabka ee ku aadan sharciga doorashada.

“Dowladda Puntland waxay ka walaacsan tahay inaan la tix-gelin is afgaradkii lagu gaaray kulankii maqal aragga ahaa, ee ay yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, oo dhacay 22 June, 2020, kaasoo ahaa in la joojiyo doodda Golaha Shacabka ee la xiriirta sharciga doorashooyinka.” Ayaa lagu yiri warsaxaadadeedka.

Puntland ayaa war-saxaafadeedka ku sheegay in lagu dhiiranayo been abuur iyo is daba-marin, sida cad baa warsaxaafadeedka lagu yiri warqadda Gudoomiyaha Aqalka Sare.

“Dowladda Puntland waxay ka digaysaa in shuruucda wadanka lagu saleeyo damac-gaar ah iyo rabitaanka madaxda dalka, iyadoo loo marayo habraacyo aan waafaqsanayn dastuurka ku-meel gaarka ah, laguna dhiirranayo been-abuur iyo is daba-marin sida ku cad warqadda Guddoomiyaha Aqalka Sare.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...