Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulankii afaraad ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa ka dooday xeerka doorashada oo ay u soo gudbiyeen guddiga soo diyaarinta xeerarka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobollada Waqooyi.
167 Xildhibaan ayaa oggolaatay xeerkan, waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan oo kaliya sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiye Mursal ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada codka aqlabiyada leh ee ay ku ansixiyeen xeerkaan, isaga oo sheegay wixii maanta ka dambeeya xeerkaasi inuu ansax yahay.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa guda galay dooda la xiriira Gobolka Banaadir ee Kuraasta Matalaada 7 xubnood la siiyay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





