Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Somaliland: Lama siyaasadeyn karo isku socodka shacabka Koonfurta iyo Waqooyiga

Hargeysa (Halqaran.com) – Somaliland ayaa ogolaatay in aan la siyaasadeyn isku socodka dadka Shacabka ee Soomaaliya iyo Somaliland kuwaasoo aysan ku jirin Siyaasiyiinta labada dhinac.

War kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu faah-faahiyay in kulamadii dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti ee ay yeeshaan Somaliland iyo DF Soomaaliya ayna hoggaaminaysay dowladda Jabuuti.

“Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xiriirka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xiriira dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Qoraalkaan waxaa lagu faah-faahiyay howlaha horyaalla guddiga labada dhinac ee loo qorsheeyay sii wadista shirarka dhab u heshiinta DF Soomaaliya iyo Somaliland oo uu marti geliye ka yahay Madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle, halka socodsiintiisana loo xilsaaray Wasiirkiisa Arrimaha dibadda.

Xubnaha labada Guddiga waxaa kala hoggaaminayo dhanka DF Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye iyo Somaliland oo uu wakiil ka yahay Wasiirka Arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...