Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Inta la xaqiijiyay saddex ruux oo shacab ah ayaa ku dhimatay halka 3 kalena ay ku dhaawacantay Khamiistii maanta  qarax miino ah oo ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan ee gobalka Banaadir.

Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta, Ismaciil Mukhtar Cumar ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bartilmaameeysteen dad rayida oo aan waxba galabsan oo saarna moota Bajaaj.

“Qaraxa waxa uu dilay haweenay iyo cunugeeda oo mooto saaran iyo qof wadada marayey halka 3 ruux kale ay dhaawacmeen, waxaa meesha maray gaadiid nooca ciidanka ah ilbiriqsiyo ka hor qaraxa‘‘, ayuu yiri Mukhtaar Oronjo.

Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta ayaa si adag u cambaareeyey qaraxa, isagoona intaasi ku daray in aan la dhalaysan fariimaha amni ee la xiriir bed-qabka waddooyinka la adeegsanayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...