Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland oo madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Qatar ee Somaliya +(SAWIRRO)

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Khamiista maanta ah Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad.

Safiirka iyo Wafdiga uu hoggaaminayo oo magaalada Kismaayo u yimid furitaanka Mashaariic Dowlada Qatar ay ka fulisay Jubbaland ayaa waxaa kamid ah Masuuliyiin sidoo kale kasocda Hay’ada gargaarka Dalka Qatar iyo xubno kale.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Safiirka uga mahad celiyay Adeegyada hormarineed ee Qatar ay ka fulisay Jubbaland, iyadoo la isku raacay in la dardar galiyo Mashruucyada dhiman ee mustaqbalka dhow waxaana ugu muhiimsan Adeegyada Caafimaadka Waxbarashada Beeraha iyo garoomada Diyaaradaha.

Waxaa jira warar sheegaya ujeedka ugu wayn ee Safiirka uu u tagay Magaalada Kismaayo inay tahay arrimo la xiriira sidii Axmed Madoobe uga dhaadhicin lahaa inuu taageero dowladda Federalka Soomaaliya.

DF Soomaaliya ayaa dhawaan aqoonsatay Maamulka Jubbaland, sidoo kalena Madaxweynaha Jubbaland u ogolaatay laba sano KMG, balse arrintaasi waxaa ka soo horjeestay Jubbaland oo sheegay Dastuurka Maamulkaasi inuusan sidaasi dhigeyn.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...