Garoowe (Halqaran.com) – Waxaa sii kordhaya khilaafka xagga siyaasadda kuwajahan ee u dhaxeeya dowlad goboleedka Puntland iyo Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana Xukuumadda Puntland ay billowday dagaal culus oo ay hadda ku wajahayso kooxda Nabad iyo Nolol, oo ay hadda hareyeen fashil weyn oo xagga ammaanka ah.
Dowlad goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah markale beesha Caalamka ugu sheegtay in doorkeeda ku wajahan arrimaha Siyaasadda iyo deeqaha caalamiga ah ay doonayaan in si toos ah loo siiyo.
Madaxweynaha Puntland Mr. Deni oo shalay ka hadlayay magaalada Garoowe ayaa si adag u dhaliilay ficilada Madaxda ugu sareysa Xukuumadda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay u dhaqmayaan sidii NGO-yada, oo uu sheegay in aysan marnaba aqbaleyn Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxuu daaha ka rogay in Soomaalidu ay kasoo kabanayso dhib badan oo gaaray, sidaas awgeedna loo baahan yahay in qorshaha horumarinta iyo arrimaha siyaasaddu ay noqdaan kuwa is garab socda oo mar kasta laga dhawro in ay koox gaar ah isku koobto.
Mr. Deni ayaa ayaa mudooyinkii u dambeeyey sii kordhayey weerarrada dhanka afka ah ee u geysanayo madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana muuqata in wada shaqeynta Madaxtooyada Garoowe iyo Xaafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu dhammaaday.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





