Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Dhageyso: Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan haweeneydii is-qarxin rabtay ee la toogtay +(SAWIR)

Haweeneyda la sheegay inay is-qarxin rabtay ee maanta lagu toogtay Baardheere

Baardheere (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya haweenay Ciidamada ammaanka ee Degmada Baardheere Khamiistii maanta ay ku toogteen Degmadaasi.

Xuseen Maxamed Xasan, taliyaha Amniga degmada Baardheere oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegaya in aan waxba ka jirin wararka sheegayay inay Haweeneydaasi ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa, hayeeshee kaliya ay bambo ku tuurtay ilaalada saldhiga.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in haweenaydaasi ay ku xirnaayeen waxyaabaha Qarxa oo markii Ciidamada ay toogteen laga furay, walow aysan wax caddeyn soo bandhigin.

Wuxuu intaasi ku daray, taliyaha amniga Degmada Baardheere ayaa sheegay haweenaydaasi kaliya Saldhiga ciidan joogay inay bambo ku tuurtay oo laba Askari oo ka mid ahaay Askarta Saldhiga dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen Qaraxaasi.

Intaasi kadib ciidan kale oo joogay Saldhiga ayaa rasaas la dhacay haweenaydaan oo xirnayd Xijaab, islamarkaana ka soo dagtay gaari caasi ah, taasi oo meesha ku geeriyootay.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq al-qaadi oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sharraxaad ka bixiyay sida ay dhacdadaasi u dhacday iyo haweeneydaasi is-qarxin rabtay la sheegay qaabka loo toogtay.

Hoos ka dhageyso Wareysiga oo buuxa:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...