Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Beledweyne: Banaanbax lagu taageeri rabay Madaxda DF Somaliya oo la joojiyay

Beledweyne (Halqaran.com) – Waxaa maanta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka socday qaban qaabada banaanbax la sheegay in lagu taageraayo Madaxda Dowladda Federaalka, hayeeshee kaas oo aan weli qabsoomin.

Taliska Booliska Gobolka Hiiraan ayaa Ciidamo fara badan oo Boolis ah geeyay Goobo loo qorsheeyay in uu banaanbaxa ka dhaco, halkaas oo ay tegi lahaayeen dad dhigi lahaa banaanbaxa lagu taageray dowladda.

Taliyaha Ciidaka Booliska Gobolka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahadalle ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin banaanbaxyo sharci darro ah oo lagu qabto magaalada Beledweyne, isla markaana banaanbax aan la ogeysiin laamaha amniga aan la qaban karin.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka Amniga gobolka Hiiraan oo goor dhaw Wariyeyaasha kula hadlay fogaarayaal xalay lagu balamiyay banaanbaxayaal taageersan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Muxaafid iyo Mucaarad aan ogalaansho ka heysan Hirshabeelle dhigi karin banaanbax.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ayaa waxa ay sheegaya in guud ahaan waddooyinka Magaalada Beledweyne ay xiran yihiin, kadib markii la dhoobay Ciidamo farabadan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...