Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

AKHRISO: Puntland oo eedeysay Madaxda DFS, war xasaasi ahna ka soo saartay arrimaha Doorashada

Garowe (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa looga hadlay marxaladda Siyaasadeed ee xilligaan taagan oo ay ugu wayn tahay doorashada soo socota ee la filaayo inay dalka ka qabsoonto.

Puntland ayaa waxa ay sheegtay inuu fashilmay isku day wada hadal oo u dhaxeeyay Guddi farsamo oo Puntland iyo Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii Madaxtooyadda Soomaaliya ay ka cago jiideen qabsoomida kulamadaasi.

Sidoo kale, Puntland ayaa waxa ay ku eedeysay madaxda dowladda Federalka Soomaaliya inaysan dooneyn doorasho waqtigeeda ku dhacdo, islamarkaana laga wada tashado haddii ay tahay dowladda Federalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Qoraalka ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay baaqii Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdulaahi ee ku aadanaa in la isugu yimaado Shir wadatashi ah oo ku aadan sidii looga wada hadli lahaa doorashada Soomaaliya.

Sida muuqata marxaladda Siyaasadda dalka ayaa waxa ay mareysaa meel xasaasi ah, iyadoo dowladda Federalka Soomaaliya ay ka caga jiideyso in doorasho nidaam wadatashi ku yimaado dalka ay ka qabsoonto.

Halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka maamulka Puntland:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...