Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Madaxweyne Laftagareen oo gaaray magaalada Xudur +Sawirro

Xudur (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Isniinta maanta ah gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Koonfur Galbeed ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Xudur.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in uu Magaalada Xudur u tagay, sidii uu maamulkiisu wax kaga qaban lahaa baahiyaha ka jira magaalada, inta uu ku sugan yahayna uu kula kulmi doono maamulka Gobolka, kan degmada iyo qaybaha bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa safarkan ku wehlinayay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada, Xildhibaanno iyo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor), oo 19-kii bishii December ee sanadkii 2018 uu kaga guuleystay doorashadii ka dhacday Magaalada Baydhabo. Aadan Saransoor ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda magaalada Xudur.

Madaxweyne Laftagareen ayaa xilligan tagay magaalada Xudur, isagoo uu afka u duuban yahay, sidoo kalena xirnaa gacmo gashiga gacmaha la xirto, inkastoo afuufka afka iyo sankaba lagu xirto, uu markii diyaaradda ka degay uu iska bixiyay.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...