Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Madaxweynihii dalka Burundi oo geeriyooday

Brundi (Halqaran.com) – Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in uu geeriyooday Madaxweynihii dalkaasi Pierre Nkurunziza, kadib markii uu wadne xanuun ku dhacay Isniintii.

War ka soo baxay Madaxtooyada Bujumbura ayaa lagu xaqiijiyay in Madaxweynaha uu u geeriyooday wadne xanuun.

Dowladda Burundi ayaa ku dhawaaqday Murugo weyn inay u tahay dadka reer Burundi iyo caalamkaba, ka dib geerida naxdinta leh ee ku timid hoggaamiyihii dalkaasi.

Madaxweynaha weli talada dalkaasi haya ayaa ku dhintay Isbitaalka Karusi, ka gadaal markii shalay lagula cararay, xilli uu soo ritay wadne xanuun.

Madaxweynaha 55-ka jirka ahaa ayaa tan iyo sanadkii 2005-tii maamulayay dalkaasi, waxaana lagu waday in bisha August uu bedelo Evariste Ndayishimiye, oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday 20-kii bishii hore ee May.

Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, Evariste Ndayishimiye ayaa ah nin ay aad u wada xifaaltami jireen Pierre Nkurunziza, Madaxweynihii weli talada dalka hayay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...