Spain (Halqaran.com) – Haweeney 113 sano jir ah oo ku nool gobolka Girona ee waqooyiga bari ee dalka Spain ayaa ka soo bogsatay Cudurka Coronavirus, kadib markii dhawaan laga helay.
Maria Branyas oo ah qofka ugu da’da weyn dalka Spain, ayuu Cudurkan haayay muddo dhowr toddobaad.
Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Spain ayaa sheegay in Maria ay tahay qofka ugu da’da weyn dalkaasi, islamarkaana ay tahay war farxad ah in ay Cudurka Covid-19 ka bogsooto.
Waxaa dalka Spain Cudurka Coronavirus haleelay 269,520 qof, waxaa u dhintay 26,920 ruux, halka ay ka bogsadeen 180,470 qof.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





