
Bardaale (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Bardaale ee Gobolkaasi ay soo rideen diyaarad shacab.
Diyaaradan oo ay leedahay Shirkadda African Airways ayaa waxa ay tahay nooca yar ee rakaabka 30ka qof gaaraya qaada.
Saraakiil Ciidan oo ku sugan Degmada Bardaale ayaa waxa ay sheegayaan in Qoriga Suuga ay ku dhufteen Ciidamada Itoobiya diyaaradaasi oo sidaas ay ku soo dhacday.
Ugu yaraan Shan qof oo diyaarada saarnaa ayaa la sheegayaa inay halkaasi ku dhinteen, waxaana suuragal ah tirada inay intaasi ka badato.
Ilaa iyo hadda lama oga ujeedada rasmiga ah ee Ciidamada Itoobiya ay u soo rideen diyaaradaasi dadka shacabka ah ay saarnaayeen.
Sidoo kale, ma jirto cid faah-faahin rasmi ah ka bixisay xaaladda ka taagan Degmada Bardaale ee gobolka Baay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





