Monday, June 22, 2026
26 C
Mogadishu

Cumar Filish oo shaaciyay tirada meydadkii ugu badnaa ee lagu aasay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa faah faahin ka bixiyay tiro koob ay sameeyeen muddooyinkii ugu dambeysay, oo la xiriira dadka ku dhimanaya Magaalada Muqdisho.

Cumar Filish ayaa xalay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ka sheegay laga soo bilaabo 19-kii bishii March inay diiwaangeliyeen in ka badan 500 oo meydad, oo lagu aasay khabuuraha ku yaala daafadaha magaalada.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Waxaa uu sheegay in tiradii ugu badneyd ee maalin qura ay diiwaangeliyan ay ahayd 43 qof, halka tiradii ugu yareydna ay ahayd 22 qof, kuwaa oo dhammaantood sida uu ku sheegay ku dhintay Muqdisho oo keliya.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay inay xalay gudbiyeen tira-koobka dadkaasi, kuwaa oo sida uu sheegay ay aaminsan yihiin inay badankood u dhinteen xanuunka Coronavirus.

Cumar Filish ayaa walwal iyo walaac xoogan ka muujiyay halista xanuunka, oo sida uu sheegay ay dadka Soomaaliyeed weli sahalsanayaan.

Duqa Muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu yeeray inay qaataan talooyinka waaxda caafimaadka, isla-markaana ay ku dhaqmaan, si loo xakameeyo faafitaanka Coronavirus.

Kiisaska ugu badan Coronavirus ee dalka laga xaqiijiyay ayaa waxaa intooda badan laga diiwaangeliyay Magaalada Muqdisho, marka aad fiiriso tirada laga helay iyo inta ugu dhimatayba.

Ugu dambeyn, wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in dalka oo dhan laga diiwaangeliyay 601 kiis, kuwaa oo badankood ku sugan Caasimadda Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...