Monday, May 25, 2026
26.2 C
Mogadishu

RW Kheyre oo shaqaalaha caafimaadka ku aanay sida ay uga go’an tahay xakameynta faafitaanka Covid-19

Ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa shaqaalaha caafimaadka dalka ku bogaadiyay dadaalka naf-hurnida leh ee ay ugu jiraan inay dadka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan cudurka COVID-19.

Mudane Xasan Cali Khayre oo caddeeyay in guud ahaan howl wadeennada caafimaadka dalku ay aqoontooda, waqtigooda iyo naftoodaba ku bixinayaan sidii loo badbaadin lahaa bulshada intiisa kale, ayaa Allah uga baryay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo howl-wadeeennada uu cudurku ku dhacay iyaga oo halista curudka ka badbaadinaya dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda xuska maalinta Shaqaalaha adduunka ee 1da May ugu habmalyeeyay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dawladdu ay muhiimad gaar ah u siineyso xuquuqda shaqaalaha dawladda iyo dowrka ay ku leeyihiin horumarinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shaqaalaha dawladda kula dardaarmay inay qaybta uga aadan ka qaataan horumarinta iyo dadaallada dib u soo kabashada dalka, gaar ahaan inay qayb wayn ka qaataan dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...