
Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka hadashay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye ee ku aadana in qof kaste oo dhinta uu u dhintay Cudurka Corona Virus.
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa sheegay in hadalka Wasiir uu qeyb ka ahaa wacyigalinta bulshadda laakiin uusan ka turjumeyn Xaaladda dhabta ah, sidoo kalena uusan cilmi ku dhisnayn hadalkaasi.
Wasiirka ayaa sheegay tirada saxda ah ee ku aadan dhimashada Covid-19 inuu yahay midka ay diiwaangeliso Wasaaradsa Caafimaadka, islamarkaana shacabka Soomaaliyed ay la wadaagto.
“Anagu warbixinadii aan baahinay waxay ahaayeen kuwo ku yimid baaritaano aan sameynay, xaqiiqda dhimashada cudurkaasna waa tiradii aan shaacinay, laakiin waxaan lee nahay, waxa la sheegayo waa inay cilmi ku dhisnaadaan oo baaritaan ku cadaadaan”ayuu yiri wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Maxamed Saciid Cabdullaahi.
Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa sheegay qof kasta oo Muqdisho ku dhinta dowladda Somaliya inay u aqoonsan tahay Covid-19 inuu u dhintay, islamarkaana dowladda ay sidaasi xisaabinayso.
Si kastaba, hadalka Wasiir Maareeye ayaa wuxuu la yaab ku noqday shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay jiraan dad siyaabo kala duwan dalka ugu dhinto iyaga oo aan qabin Coronavirus.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





