Thursday, June 18, 2026
27.4 C
Mogadishu

Dowladda Turkiga oo Imaaraadka Carabta ku eedeysay inay taageerto Ururka Al-Shabaab

Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama Somaliya /Sawir hore/

Ankara (Halqaran.com) – War kasoo baxay Dowladda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay taageerto maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya.

Warbaahinta Dowladda Turkiga oo soo xiganeysay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta ay sidoo kale ay xasilooni darro ka wado dalalka Yemen, Suuriya, Liibiya iyo Geeska Afrika,

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay in taageerida Dowladda Imaaraadka Carabta ee Kooxaha loogu yeeray Argagaxisada dunidu ay ogtahay arrinkaasi.

Ilaa iyo hadda Turkiga ma shaacin sida Imaaraadka Carabta ay taageerada u siiso Ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jira Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya.

Warkaan ka soo baxay dowladda Turkiga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ay dowlado Shisheeye ku eedeysay qarixii khasaaraha badan geystay oo 28-kii Bishii December ka dhacay Ex-Koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...