Kismaayo (Halqaran.com) – Wararka ay helayso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in mid ka mid ah masaajidda ugu waa weyn magaalada Kismaayo la xiray.
Masaajidkan oo lagu magacaabo, masjidka Xareed Yaroow ayaa maanta Salaadda Jimcaha lagu tukan, kaddib markii culimada masjidka ay sidaasi go’aamiyeen.
Wararka ayaa sheegaya, in mid ka mid ah jameecada masaajidka ku tukan jiray laga helay cudurka Coronavirus, sidaas darteed ayay culimadu u xireen masaajidka.
Tani ayaa noqoneysa tallaabadii ugu horreysay ee masaajid Soomaaliya ku yaala uu qaado tan iyo markii uu bilowday cudurka safmarka ah Covid-19.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannes@gmail.com






