Thursday, July 16, 2026
25.2 C
Mogadishu

Xildhibaan Xidig oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda DF Somaliya iyo Jubbaland

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig

Kismaayo (Halqaran.com) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Xubnihii Isbeddel-doonka Jubbaland ayaa maanta ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Xidig ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ay yihiin laba aan kala maarmin, isla markaana dowladda Federaalka looga baahan yahay inay la timaado tanaasul.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa ku baaqay in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, isla markaana la fiiriyo danta Shacabka ku nool deegaannada Jubbaland.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Xidig hadalkiisa ayaa ku soo aadayo xilli isla maanta Madaxweynaha Jubbaland (Axmed Madoobe) uu sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay wada hadal la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...