Sunday, May 10, 2026
31.9 C
Mogadishu

Duqii hore ee Muqdisho ‘Taabit Cabdi‘ oo si adag uga hadlay kufsi loo geystay gabdho yaryar

Duqii hore ee magaalada Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed

Muqdisho (Halqaran.com) – Taabit Cabdi Maxamed, guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir ahaana duqii Muqdisho ayaa si kulul uga hadley kufsi dhawaan Gabdho yar yar loogu geystay degmada Afooye oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqii hore ee Muqdisho, Taabit ayaa Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxa uu ku cambaareeyey falkaas, isaga oo sheegay in haddii aan falkaan loo istaagin ay noqon doonto cuqubo ay dad badan saameyn doonto.

“Si adag ayaan u cambaareynayaa afduubka iyo kufsiga wuxuushnimada ah ee loo geystay gabdho caruur ah oo da’doodu tahay 3 iyo afar jir ee ka dhacay Degmada Afgooye. waa cuqubo na wada saameyndoonta haddii aanan loo wada istaagin falkan bini’aadannimada ka baxsan ee in mudo ah soo noq noqday.‘‘ ayuu yiri Taabit Cabdi.

Mr. Taabit ayaa ugu baaqay inay ka hadlaan tacadiyada ka dhanka ah Haweenka ee kufsiga ah, sidoo kalena dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed inay baaris ku sameeyaan.

Wuxuu kaloo yiri, “Culimada waa in ay si mug leh uga hadlaan tacadiyada ka dhanka ah haweenka oo uu kufsigu ka mid yahay, Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed waa iney si aan kala har laheyn arrinkan baaris ugu sameeyaan‘‘.

Ugu dambeyn, wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si kulul waxaa ay horay uga hadleen kufsiga gabdhaha yar yar loogu geystay degmada Afgooye.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...