Friday, May 1, 2026
29.9 C
Mogadishu

Muqdisho: Safaaradda Mareykanka oo ka jawaabtay eedeyntii NISA ee wariye Harun Macruf (Maxa cusub?)

Wariye Harun Macruf

Muqdisho (Halqaran.com) – Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho war ka soo baxay ayaa lagu sheegay, in Wariye Harun Macruf uu yahay wariye xirfladle ah, islamarkaana hay’adda NISA ay ku xad-gudbeyso xorriyadda Saxaafadda.

“Harun Macruf waa xirfad-yaqaan la ixtiraamo, waana Saxafi ka tirsan VOANews, waa mid kamid ah saxafiyiinta Soomaalida ee ugu saameynta badan. Weerarrada Hay’adda NISA waxay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax banaanida warbaahinta ee aas-aaska u ah dimqoraadiyadda iyo isla xisaabtanka dowladeed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri war qoraalkaasi ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

NISA, ayaa khamiistii qoraal ay ku soo daabacday barteeda Twitterka ku sheegtay, in wariye Harun Macruf tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadeyso, iyaga oo tilmaamay inuu leeyaha xiriro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta.

Si kastaba, wariye Harun Macruf oo iminka ka howlgala Idaacadda VOA-da ayaanan weli ka jawaabin eedeynta uga timid Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA).

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...