Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay qaraxii lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal

Garowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa war ka soo saaray ismiidaamintii xalay ka dhacday Magaalada Garoowe, ee lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Nugal, Cabdisalaan Xasan Xersi (Gujir).

Saciid Deni ayaa sheegay in Gudoomiyaha lagu dilay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Garoowe, xilli uu gudanayay shaqada uu shacabka u hayo.

Qoraalka Madaxweynaha Puntland ayaa u qornaa:-

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan Shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida, Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Nugaal marxuum Cabdisalaan Xasan Xersi (Gujir) oo arxan laawayaasha cadowga umadda Soomaliyeed gaadmo ismiidaamin ah dhaawac ka soo gaaray uu u geeriyooday. Gudoomiyuhu waxa uu gudanaayay waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa, waxaana uu ku sugnaa xilligaasi Saldhiga Dhexe ee Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulal u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Saldhigga Dhexe ee Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...