Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo amar ku bixiyay in la joojiyo isu imaatinka Xeebta Liido iyo Hotellada

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa xalay shir Guddoomiyay shirka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay xarunta Degmada Shangaani.

Shirkaan oo ay kasoo qeyb-galeen Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Abaabulka iyo Wacyigelinta ayaa waxaa looga hadlay caabuqa Covid-19 oo dhibaato xoogan ku haaya Dunida.

Duqa Muqdisho ayaa inta uu shirka socday amray in la joojiyo isku imaatanka Bulshada si loogu fogaado wax weliba oo keeni kara Caabuqa Covid19 oo ah mid si fudud la isaga qaadi karo taabashada iyo Neefta, asigoo carabka ku adkeeyay Maqaayadaha iyo Hoteelada ku yaala Liido oo Bulshada si aad ah isugu yimaadaan.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale faray Bulshada in ay u hogaansamaan fariimaha wacyigelin ee Wasaarada Caafimaadka iyo Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar. Iyadoona ay si wadajir ah Barnaamijyada wacyigelin ay iska kaashan doonaan Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Guddiga Qaran ee Abaabulka iyo Wacyigelinta iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...