Saturday, April 18, 2026
28.5 C
Mogadishu

UPDATE: Madaxweyne Qoorqoor oo magacaabay guddiga xafladda caleemo saarkiisa, Yaa ka mid ah?

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa caawa magacaabay guddiga caleemo saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.

Guddiga oo ka kooban laba iyo toban xubnood ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaana Gudoomiye Ku-xigeen looga dhigay Xasan Macalin Saciid Samatar (Xasan Gacaliye).

Xubnaha guddiga dhammaantood waxaa waaye rag, marka laga reebo Shukri Maxamuud Afrax, oo ah gabadha keliya ee guddigan ku jirta.

Sida qoraalka lagu sheegay shaqada guddiga ayaa ah in ay muddeeyan waqtiga la qabanayo munaasabadda caleemo saarka iyo dejinta habraaca ay tahay in loo maro caleemo saarka, ayagoo kaashanaya baa qoraalka lagu yiri Madaxtooyada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...