Monday, April 20, 2026
28.3 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay qaraxii lala eegtay ciidamo ka tirsan DF Somaliya

Qarax hore oo ka dhacay magaalada Muqdisho /Sawir hore/Keydka HQ

Balcad (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Jimcihii maanta uu qarax culus uu ka dhacay Wadada xiriirisa Magaaloyinka  Balcad iyo Jawhar.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada dawladda oo marayey Degaanka Sayga oo Waqooyi ka xiga magaalada Balcad.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani ay ku dhaawacmeen dhowr askari.

Gurmad ayaa la sheegay inuu socdo, kaasi oo lagu daad guraynayo askarta ku dhaawacantay qaraxaasi.

Ilaa iyo hadda wax faah-faahin ah kama aysan bixinin maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada qaraxa khasaaraha geystay ee lala eegtay Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...