Monday, April 27, 2026
27.9 C
Mogadishu

Arji qabashada musharaxiinta guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ka billaabatay Dhuusamareeb + (SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Magaalada Dhuusamareeb waxaa Arbacadii maanta ka billaabatay diiwaangelinta musharaxiinta u taagan jagada guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Gudoomiye Ku-xigeenka.

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa waraaqaha codsiga ka guddoomay saddex ka mida musharaxiinta, kuwaa oo laba ka mida ay u taagan yihiin jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka, halka midka kalena uu u tartamayo xilka Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Sidoo kale, guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa waxay musharaxiintan ka guddoomeen araaji ay ku qoran tahay taariikh nololeedkooda.

Musharaxiinta maanta la diiwaan-geliyay ayaa kala ah Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cismaan oo u taagan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Maxamed Sheekh Axmed Maalin oo u sharaxan booska Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo 17-ka bishan, oo ku aadan maalinta Jimcaha.

Khudbad jeedinta musharaxiinta ayaa waxaa lagu wadaa inay qabsoomto 16-ka bishan, oo ku beegan Khamiista berrito ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...