Sunday, May 24, 2026
28.9 C
Mogadishu

XOG: “Dalku Ma Lahan Taliye Sirdoon, Waana Sababta Qaraxyadda”…

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa ka hadlay qaraxii shalay dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay Tv-ga Universal ayuu sheegay in Amniga magaaladda Muqdisho uu maalmihii dambe wanaagsanaa,balse dalka uusan laheyn Taliye Sirdoon,taasina ay tahay sababta ay qaraxyadda shabaab u fuliyaan.

”Muqdisho amnigeeda sidii hore wuu dhaamay maalmihii dambe, dadaal badan ayay sameeyeen dhalinyarada Booliska ee gacanta ku haya amniga, laakiin dhalinyarada iyagoo ku amaanan shaqada ay qabteen, dadkiina laga xiray waddooyinka hadana in qaraxa soo gaaray Isgoyska KM4, taasi waxay ku cadeyneysaa in Sirdoon uusan dalka ka jirin, aaway Sirdoonkii Soomaaliya, maxay ku dhacday dal dagaal kula jiro kooxo Argagixiso ah in muddo ku dhow aan Agaasime laheyn, xilkiina uu haayo Taliye kuxigeenka, taasna waxay u baahan tahay jawaab” ayuu yiri Ismaaciil Cusmaan.

Hadalka Taliye kuxigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa imaanaya xili shalay muqdisho uu ka dhacay qarax ay ku dhinteen 17-ruux oo shacab ahaa, 28-kalana ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...