Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Waa kuma Ra’iisul wasaaraha cusub UK ee baddali doona Tresa May?

London (Halqaran.com) – Boris Jonson ayaa maanta ku guuleystay in uu noqdo ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska isaga oo baddali doona Tresa May.

Johnson ayaa sidoo kale noqonaya hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka haya talada dalka Britain.

Ninkan ku guuleystay xilkan ayaa horay u soo noqday wasiir arrima dibadeedka dalkaas oo loo magacaabay 2016-kii walow uu markii dambe is casilay 2018, isaga oo ka biya diiddan siyaasadaha May ay ku maareysay galka ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub.

Johnson ayaa jagadan kula loolamay wasiirka arrimaha dibadda Jermy Hunt.

Ra’iisul wasaarahan cusub ayaa horay u ballan qaaday in geed dheer uu u fuuli doono sidii uu dalkiisa uga bixi lahaa Midowga Yurub markii loo gaaro dabayaaqada bisha Oktoobar ee sanadkan taasoo xoojisay miisaanka tartankiisa.

Johnson oo mar soo noqday duqa magaalada London ayaa lagu xasuustaa in gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaaladaas uu ku soo rogay amar uu ku diiday in wax maandooriye ah aan lagu dhex adeegsan Karin.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...