London (Halqaran.com) – Boris Jonson ayaa maanta ku guuleystay in uu noqdo ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska isaga oo baddali doona Tresa May.
Johnson ayaa sidoo kale noqonaya hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka haya talada dalka Britain.
Ninkan ku guuleystay xilkan ayaa horay u soo noqday wasiir arrima dibadeedka dalkaas oo loo magacaabay 2016-kii walow uu markii dambe is casilay 2018, isaga oo ka biya diiddan siyaasadaha May ay ku maareysay galka ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub.
Johnson ayaa jagadan kula loolamay wasiirka arrimaha dibadda Jermy Hunt.
Ra’iisul wasaarahan cusub ayaa horay u ballan qaaday in geed dheer uu u fuuli doono sidii uu dalkiisa uga bixi lahaa Midowga Yurub markii loo gaaro dabayaaqada bisha Oktoobar ee sanadkan taasoo xoojisay miisaanka tartankiisa.
Johnson oo mar soo noqday duqa magaalada London ayaa lagu xasuustaa in gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaaladaas uu ku soo rogay amar uu ku diiday in wax maandooriye ah aan lagu dhex adeegsan Karin.
Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com