Friday, May 1, 2026
28.1 C
Mogadishu

4 carruur ah oo isla dhashay oo Biriq ku dishay gobolka Galgaduud

Biriq /Sawir tusaale ah/

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Roob xoog leh oo xalay ka da’ay qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa sababay dhimashada afar qof oo carruur ah iyo dhaawaca laba qof oo kale oo middi ay tahay hooyadii dhashay caruurtan oo isku qoys ahaa.

Wararka laga helayo deegaanka Inamid oo qiyaastii 35 km u jira magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in qoyskan oo reer miyi ah ay ku dhacday biriq, halkaasi oo afarta carruur ay ku dhinteen.

Dhinaca kale, gudaha magaalada Dhuusamreeb ayaa waxaa sidoo kale ku dhacay dhowr biriq oo kale, hasa ahaatee wax khasaare ah lagama soo werin.

Qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa waxaa iminka ka da’aya roobabka gu’ga, kuwaasi oo khasaare nafeed sababay, waxaana meelaha roobabkan ay dhimashada ka sababeen ka mid ah magaalada Qardho, oo 7 qof ay ku dhinteen daadad ka dhashay roobabka.

Sidoo kale, roobabka ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo fatahaada ka dhashay roobabka ay saameeyeen Magaalada.

Ugu dambeyn, magaalooyinka ay maraan wabiyada dalka ayaa si wayn waxaa looga dareemayaa cabsi la xiriirta fatahaado ay sameeyaan Wabiyada, xilliyada roobka ay da,aan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...