Wednesday, April 29, 2026
30.9 C
Mogadishu

25 Jir Soomaaliyeed oo Dil arxan-darro ah loogu geystay magaalada Köln ee dalka Jarmalka

Sawirkan waa goobta Wiilka Soomaaliyeed lagu dilay, Meydkiisa bacda ayuu ku daboolan yahay / Quelle: dpa/-

Köln (Halqaran.com) – Wiil Soomaaliyeed oo 25 sano jir ah ayaa Axaddii maanta ku geeriyooday magaalada Köln ee dalka Jarmalka, kadib markii ay isugu tageen koox Afrikaan ah (Madow) oo lagu qiyaasay 10 ilaa iyo 15 ruux, sida uu boolisku xaqiijiyay.

Waxay aheyd xilligii salaadda subax kadib, abaare 04:45 Subaxii Axadda maanta, kadib markii kooxo Afrikaan ah ay jir-dil xooggan u geysteen Wiilka Soomaaliyeed, balse waxaa gaaray dhaawac culus.

Booliska Köln ayaa sheegay, in 25 jirka Soomaaliyeed la isku dayay in la badbaadiyo, balse uu  durba u dhintay, dhaawicii halista ahaa ee soo gaaray.

Kooxda Afrikaanka ah ee falkaasi argagaxa leh ka geystay magaalada Köln, ayaa isku dayay inay goobta ka baxsadaan, laakiin waxaa durba gacanta ku soo dhigay Booliska magaalada.

Afhayeenka Booliska magaalada Köln Wolfgang Baldes, ayaa sheegay in howshaan ay gacanta ku hayaan iyo baaritaankeedaba, 20 Askar oo kuwa dambiyada dilalka qaabilsan.

Madaxa Booliska ee magaalada Köln, Uwe Jacob ayaa sheegay in Meydka Wiilka Soomaaliyeed ay baaritaan ku hayaan, ayna faah-faahin ka bixin doonaa markii uu soo gabagaboobo baaritaankaasi.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay, dilka Wiilkaasi Soomaaliyeed, iyo waxa sababay dhimashadiisa. booliska magaalada Köln weli kama aysan hadlin arrintaasi.

Wixii faah-faahin dheeraad ah kala soco inshaa allaah, Halqaran.com

Warbixintaan oo luuqadda Jarmalka ku qoran Linkigan RIIX.

Waxaa soo turjumay – Weriye Abdifatah Adde

Xafiiska Halqaran.com, Bremen
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...