Wednesday, April 29, 2026
31.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Senator Muuse Suudi oo la kulmay Qoyskii uu ka geeriyooday AUN Eng. Yariisow (Muxuuse kala hadlay?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Yariisow.

Muuse Suudi ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska geeridii ku timid Duqii Muqdisho AUN Eng. Yariisow uu ku tilmaamay nin qaran oo wax badan u soo qabtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Qoyskii uu ka geeriyooday Guddomiyihii gobolka Banaadir ayaa waayadan ku sugan magaalada Muqdisho ay u yimaadeen duugta iyo tacsida Eng Yariisow, waxa ayna qoyskan ka yimaadeen dalka Ingiriiska oo ay ku  noolaayeen.

Madax kala duwan ayaa la kulmay Qoyska uu ka baxay AUN Eng Yariisow, kuwaa oo uga tacsiyadeeyay geeridii naxtinta laheyd ee ku timid Duqii Muqdisho oo ahaa halyey aad loo jeclaa wax badana dalka u soo qabtay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...