Wednesday, April 29, 2026
30.9 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Wararkii ugu dambeeyay Khilaafka soo kala dhexgalay Hoggaanka Ahlu Sunna iyo Xaaladda Dhuusamareeb oo…

Galgaduud (Halqaran.com) – Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonkaro oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa Xaqiijiyay in Khilaaf uu soo kala dhex galay Hoggaanka Ururka Ahlu sunna ee gacanta ku hayay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Khilaafka ayaa yimid ka dib markii xubno ka mid ah Ahlu sunna ay ku dhawaaqeen in ay ka baxayaan heshiiskii ay la gaareen dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dib markii la fulin waayay qodobadii lagu heshiiyay.

Qaar kale oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu sunna ayaa sheegay in uu heshiisyo yahay sidii lagu kala saxiixday oo aan loo baahneyn in maanta laga laabto, islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay taageeraan si ugu yaraan qaar ka mid ah qodobada heshiiska ay u hirgalaan.

Kulan ay yeesheen Hoggaanka Ahlusunna oo ay ka mid yihiin Macalin Maxamuud, Shaakir iyo Ashcari ayaa lagu kala dareeray.

Sidoo kale, hoggaanka Ciidanka Ahlusunna ayaa kasoo horjeestay tilaabooyin uu qaaday Macalin Maxamuud iyo Wasiirka qorsheynta Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in uu fashilmay kulan sidoo kale shalay ay isugu yimaadeen Hoggaanka Ahlu sunna ka dib markii ay isku khilaafeen tilaabadda laga qaadaayo Ciidankii laga dejiyay Dhuusamareeb.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...