Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Jen. Indha Qarshe oo si kulul u eedeeyay Madaxda Dalka, & Guulihii ay Ciidamada XDS gaareena sheegay!

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyihii xilka laga qaaday e Ciidanka Xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa si weyn u dhaliilay hannaanka loo maray xil ka qaadistii lagu sameeyey isaga iyo taliyeyaal kale.

Mar uu la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu sheegay in aanay sax aheyn in labo sano iyo bar gudahood 5 Taliye soo marto Taliska xoogga dalka.

”In laba sano iyo bar Ciidanku soo maraan Shan Taliye Sax maaha, Madaxweynaha Ciidanka sidaas haka daayo, halkii Taliye ee u horeeyay ayey aheyd in loo daayo, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Odawaa Yuusuf Raage hala siiyo waqti lagula xisaabtamo la yiraahdo waxbaa qabatay ama wax ma qaban, laakiin hadii dhowr bilood ka bacdi la bedelo isagana wixii lagula xisaab tami lahaa meesha ma yaalo, Ciidanka wuxuu u baahan yahay Taliye rasmi ah oo waqti la siiyay”, ayuu yiri Jen. Indho-qarshe.

Taliyihii hore ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Indha Qarshe ayaa labo sano iyo bar ayuu sheegay Taliye Indha Qarshe in Ciidamada Xoogga Dalka ay hogaan u noqdeen 5-Taliye.

Wuxuu dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay waqti siiso taliyaha Cusub ee Ciidanka xoogga dalka.

Dhinaca kale, Taliyihii hore ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Indha Qarshe ayaa qiray in awood ay xiligaan leeyihiin Ciidamadda dowladda islamarkaana ay Al-Shabaab ciribtireen.

Haddaba hoos ka dhageyso Wareysiga Jenaraal Indha-Qarshe oo xiiso gaar ah leh:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...