Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

Xulka Qaranka Soomaaliya ee U17 oo ku guuleystay Tartanka beriga & bartamaha Afrika ee Cecafa

Addis Ababa (Halqaran.com) – Xulka Qaranka ee Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa Sabtida maanta ah ku guuleystay koobka ciyaaraha bariga iyo bartmaha ee Cecafa ee ka dhacday magaalada Addis Ababa.

Xulka Soomaaliya ayaa 3 iyo 1 uga badiyay Xulka Koonfurta Suudaan.

RW Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay guusha weyn ee ay gaareen Kooxda Xulka Qaranka ee da’dooda ka hooseyso 17 sano.

Kooxda oo cayaarta final-kaga adkaatay South Sudan 3 — 1, ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse uu sheegay inay umadda Soomaaliyeed u soo hooyeen guul, sharaf iyo magac.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo habeen hore kulan dhiirigelin iyo dardaaran ah la yeeshay kooxda iyo macallinkooda, ayaa sheegay inay ka soo dhalaaleen doorkooda, shacabka Soomaaliyeed iyo Xukuumadoodana ay si heer sare ah u soo dhaweyn doonaan.

Ugu dambeyn, xulka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa maalmihii lasoo dhaafay wacdaro ka dhigayay tartanka, waxay kasoo badiyeen Itoobiya iyo Uganda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...