Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Xildhibaan kashifay in wax shaqo ah ka soconin xarunta golaha shacabka!

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xarunta Golaha Shacabka aysan ka socon wax shaqo ah oo dani ugu jirto dadka Soomaaliyeed.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayuu sheegay in aysan iska xil saarin shaqooyinkii loo doortay oo ay ka mid ahaayeen la xisaabtanka Xukuumadda, Matalaada Shacabka iyo Sharci dejinta.

Guddoonka Golaha Shacabka ayuu ku eedeeyay in aysan ogoleyn in lala xisaabtamo Madaxweynaha dalka, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda iyo Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Si kastaba, qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaarkood ayaa horay u sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu gacanta u galay Xukuumada, islamarkaana uu meesha ka baxay la xisaabtankii Xukuumadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...