Saturday, January 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Puntland oo durba jabisay Amarkii ay DF Somaliya soo rogtay (Maxaa cusub?)

Garoowe (Halqaran.com) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxay soo saartay Amar ah in Maamul gobolleedyada aysan dalal Ajnabi ah Hoggaankooda la kulmi Karin heshiisna la geli Karin.

Maamulka Puntland ayaa isla markiiba amarkaasi ka dhego fureysatay, iyadoo amarkan lasoo saaray labo Cisho Ka hor.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa Heshiis dhinaca Hormarinta Waxbarashada la saxiixatay dawlada Masar, taasoo ah Amarkii Dawlada Dhexe mid burinayey.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa dalka Masar kula saxiixday Mas’uuliyiinta Waxbarashada Dalkaasi is afgarad Heshiis ah.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Dani ayaa uga mahadceliyey Dawlada Masar, sida ay Soomaaliya gaar ahaan maamulka Puntland sida dhaw ay wada shaqeynta ula leeyihiin.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa maalmo ka hor shaaciyey, inaysan hadda kadib ogolaan doonin is garab la sameeyo oo dawlada Dhexe wax walbo oo dalka ah iyada mas’uul ka tahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...