Wednesday, January 14, 2026
26.9 C
Mogadishu

XOG + DHAGEYSO: Taliyihii watay ciidamadii weeraray caawa xarunta Barlamaanka Puntland oo ka hadlay khasaarihii & wixii dhacay.

Garoowe (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin cusub ka soo baxaysa israsaaseyntii caawa ka dhacay xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe, waxaana ka hadlay mid ka mid ah taliyihii watay ciidamadii weeraray halkaasi.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Nugaa, Korneel Muumin Cabdi Shire oo caawa la hadlay warbaahinta Garoowe, ayaa tibaaxay, in ay u tageen xarunta baarlamaanka, sida uu afkiisa ku qiray, balse ma uusan sheegin ujeedka xaruntaasi u tageen caawa.

Wuxuu xusay, taliyuhu in weerarka ay billaabeen ciidamada ilaalada ka ahaa xarunta baarlamaanka, mana uusan sheegin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan waxa dhaliyay israsaaseyntaasi khasaaraha dhalisay.

Korneel Muumin Cabdi Shire ayaa ugu yeeray ciidamada Ilaalada xarunta Baarlamaanka in ay yihiin maleeshiyaad la garan waayay, taas oo muujinaysa ficilada ka dambeeyey dagaalkii caawa ka dhacay halkaasi.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay, in khasaare dhimasho iyo dhaawacba uu dhankooda soo gaaray, balse aanu ogeyn khasaaraha gaaray dhanka kale.

Haddaba halka hoose ka dhageyso wareysiga taliye Muumin Cabdi Shire:

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta oo Xiiso leh:



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...