XOG: Maxaa ka jira in M/weyne Farmaajo iyo Qoorqoor ay ciyaarayaan qorshe cusub?

Nairobi (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya.

Madaxweynaha Galmudug ayaa arrimo kala duwan u tagay Magaalada Nairobi, waxaase ugu muhiimsan inuu u tagay la kulanka Cabdikariin Xuseen Guuleed, Madaxweynihii hore ee Galmudug, oo maalmo ka hor gaaray magaaladaasi.

Qoorqoor oo xusulduub ugu jira in Ra’iisal Wasaaraha cusub uu ka yimaado Galmudug ayaa Cabdikariin Xuseen Guuleed la doonayo inuu noqdo Ra’iisal Wasaaraha xigga.

Warbaahinta Halqaran.com ayaa ogaatay in Madaxweyne Qoorqoor uu habeenkii Khamiista kulan gaar ahi Villa Soomaaliya kula qaatay Madaxweynaha JF Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ka dib markii uu soo gebagaboobay kulankii uu Madaxweyne Farmaajo kula qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo iyo Hoggaamiyaha Galmudug ayaa si dhow uga wadahadlay arrinta la xiriirta magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha.

Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay ka go’antahay muddo kororsi intee doontaba ha noqotee ayaa Qoorqoor u adeegsaneysa inuu isu soo dhaweeyo Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka, haddiiba ay suurtagal tahay.

Madaxweyaha Galmudug ayaa Jimcihii Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee dalka ku booqday hoyga uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho, isagoona kala hadlay sidii Madasha Xisbiyada Qaran ay awood qaybsi ula samayn laheyd dowladda, islamarkaana uu Ra’iisal Wasaaraha soo socda dhankooda ka yimaado.

Tani waxay ka dambeysay markii uu Qoorqoor ugu qiil deyay doorashada soo socoto inay u muuqato mid aan ku qabsoomi karin waqtigeeda, haddii muddo kororsi noqotana ay labada dhinacba tahay inay ka wada faa’iideystaan.

Guddoomiyaha Xisbiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa loo arkaa wadada lagu gaari karo Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, oo si weyn uga biyo diidan wax muddo kororsi ah.

Mudda lagu xushay Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ah inuu yahay nin aan caqabado badani ku furi karin Xafiiska Madaxweynaha, islamarkaana isu hayn kara Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka, waaba haddii uu qorshahaan meel mara’e.

Sidoo kale Guuleed waa saaxiibka ugu weyn ee Xasan Sheekh Maxamuud, marka laga soo taggo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo horey u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Cadaaladda ee Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xasan Sheekh uu khadka teleefanka kula hadlay Cabdikariin Xuseen Guuleed, islamarkaana uu faray inuu soo dhaweeyo Qoorqoor, waxa uu ula yimaadana uu si wanaagsan ula qaadaa dhigo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland uu dhexmaray is faham bilow ah, wax caqabadna kama haysto dhanka Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Isku soo wada duub, Villa Soomaaliya waxaa har iyo habeen ka go’an inay mudada dheereysato, qorshahaan ugu dambeeya ee socdana waa sidii ay yoolkaasi kaga dhabeen laheyd, haddiise ku guuldareysato waa dow inay sameyso wixii laga badin waayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com