Wednesday, April 29, 2026
31.9 C
Mogadishu

Update: Al-Shabaab oo Khasaaro dhimasho & dhaawac ka soo gaaray qarax ay ku aasayeen…

Gaarisa (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegay in 3 qof oo looga shakisan yahay Al-Shabaab ay ku geeriyoodeen, 4 kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib qarax ay dhulka ku aasayeen oo iyaga ku qarxay.

Laamaha ammaanka Kenya oo war ka soo saaray dhacdadan ayaa xaqiijiyay geerida 3 qof xilli ay qarax aasayeen, waxaana intaasi ay ku dareen in 4 qof oo dhaawacyo ay soo gaareen.

Booliska ayaa heley xog ku saabsan in 4-ta qof ee dhaawacantahay durba lagu qaaday gaari nuuca Toyota Hilux ah, islamarkaana ay qaadeen dad kale oo aan booliska ahayn, ayna la baxsadeen.

Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay kordhiyeen muddooyinkii ugu dambeeyay miinooyinka ay dhulka ku aasayaan, gaar ahaan hareeraha waddooyinka, taasi oo ciidamadu ay feejignaan ka muujinayaan.

Ugu damebyn, Kenya ayaa sheegtay in Ilaa 20 qof ay ku geeriyootay weerarro kala duwan oo Al-Shabaab ay ka geysteen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari, inta u dhaxeysay bilihii Janaayo iyo Febraayo ee sanadkan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...