Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay wada hadal inay Dowladda Soomaaliya kula jirto, kaasi oo ku saabsan sheegashada Kenya ee Badda Soomaaliya, xilli dib loo dhigay dacwadii taalay maxkamadda Hague.
Xogahayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Amb. Macharia Kamau oo wareysi siiyey Citizen TV ayaa si faah faahsan uga hadlay arrintaasi iyada oo sheegtay in Somaliya xilligaan laga dareemaayo dabacsanaan ku aadan kiiskaasi.
“Waxaan isleeyahay waa soo dabcayaan marka aan si furan kuula hadlo waxaan ula jeedaa waan wadahadleynaa, dhawaan xoghayaheenna maamulka ayaa Soomaaliya tegay si uu wadahadallo ula yeesho wuxuuna qeyb ka ahaa dad lagu casuumay shirkii horumarinta oo ka caawinaya Soomaaliya horumarka Kenyana qeyb ayey ka tahay si fiican ayaa loo qaabbilay, waxaana la yeelannay wadahadallo dhiggeenna markii aan joognay Hague waqti aan sidaas u sii fogeyn innagoo ka wadahadleynay dib u dhigista dacwadda taasoo si kastaba la baajiyey illaa bisha June waana sidii aan dooneynay marka waan helnay sidii aan dooneynay waxaana isleeyahay dadku waxay soo ogaanayaan in sida kaliya ee aan ku gaari karno halka aan beegsaneynno inay tahay wadahadal walaalnimo oo dhexmara labada qaran. Sidii aan sheegayna waa mid aqliga ka fog in loo qaato in dhibaato naga dhaxeyso annaga iyo Soomaaliya dad ahaan maxaa yeelay waxyaabo badan ayaa naga dhaxeeya ganacsiga baaxadda leh iyo iskaashiga halkaas ayuuna noo sii ahaan doonnaa.”
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay labada shacab ee labada dal inay isku wanaagsan yihiin, balse caqabada ay ka imaanayso masuuliyiinta Maamulka talada haya.
“Waxaan dhihi lahaa xoogaa waa wanaagsan yahay laakiin inta hoggaamiyaasheennu ay wadahadlayaan, inta aan awoodno inaan isu soconno, inta dadkeennu wada-ganacsanayo maxay tahay xiriirka ka wanaagsan oo aan yeelan lahayn waxaan ula jeedaa waa wax ay tahay inaan ka wada shaqeynno waxaana isleeyahay sidii aan iriba dhibaatadu ma aha dadka ee waa maamulka.” Ayay yiri Macharia Kamau.
Si kastaba, waxaa shaki badan ku jira kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan waxa keenay in dib loo dhigo iyadoo tani ay muujinayso in Kenya ay gaartay hadafkeedii ahaay in arrinta wada hadal lagu xaliyo, walina Kenya galaangal xoog leh ugu jirto in Arrintaan wada hadal lagu xaliyo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com